Himilo FM –Shirkadda Google ayaa u dabaal degtay sannad guurada dhalasho ee Cumar Alkhiyaam iyada oo boggeeda soo dhigtay sawir muujinaya gabyaaga caanka ah haddaba kumuu ahaa Cumar Alkhiyaam?
Cumar ayaa ah philosoph iyo gabyaa Muslim ah oo ku dhashay Kharazan oo katirsan Iiraan intii u dhaxaysay sanadihii 1038 illaa 1048 Miilaadiga. Waxa uu geeriyooday 1123 illaa 1124 Miilaadiga.
Alkhiyaam ayaa ku taqasusay xisaabta, cilmiga xiddigaha, luqadaha, fiqiga iyo taariikhda iyadoo gabaydiisa loo tarjumay luqado caalami ah.
Waxa lagu tiriyaa in uu kamid yahay dadka ugu horreeyay ee alifay xisaabta Algebraha iyadoo si weyn baaritaanadiisa looga yaqaano caalamka Carabta iyo Yurub.