Home / Uncategorized / La kulan: Ninka masaska ooman waraabiya!
Nin mas ooman biyo siinaya

La kulan: Ninka masaska ooman waraabiya!

Himilo – Ninkan oo u dhashay dalka India waxaa laga soo duubay muuqaal isaga oo waraabinaya mas ooman –Nooca Kobraha – loo yaqaano.

Ninka oo ka shaqeeya xafiiska kaymaha ee India waxaa la arkayay isaga oo caag qajacle ah oo uu watay biyo ka siina maska, afkana ugu shubacaya.

Sida muuqaalka laga arkay ninka ayaa gacmihiisa mid maska ku taabanayay halka midda kalena uu biyaha afka ka siinayay Kobraha si deggan oo cabsi la’aan ah.

Dhacdadan ayaan aheyn middii ugu horreysay ee la tebiyo sannadkii 2017 waxaa la soo bandhiyay nin  sidan oo kale mas harraadsan biyo ku siinaya Karnataka oo isla ka tirsan India.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan