Home / Madadaalo / La kulan Wilbur: Eyga loo doortay duqa magaalada Rabbit Hash ee Mareykanka

La kulan Wilbur: Eyga loo doortay duqa magaalada Rabbit Hash ee Mareykanka

Himilo – Wilbur oo ah lix bil jir ayaa loo doortay duqa magaalada uu maro wabiga Ohio ee Rabbit Hash ee gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka.

Magaaladan qadiimiga ah oo ay ku nool yihiin wax ka yar 500 oo ruux waxey dhaqan u leedahay dhaqashada iyo maamusidda xayawaanada sida Eyda iyo bisadaha.

Don Claire, oo ka mid ahaa dad ku noolaa magaaladan ayaa maalin ku taliyay inay habboon tahay in xayawaanada loo doorto duq magaalo, iyada oo aanan loo eegeynin nooc Ey oo gaar ah, sida ay Amy Noland u sheegtay muuqaal baahiyaha NBC.

Aragtida ninkaan ayaa ku saleysneed oo kaliya sidii dhaqaale looga uruurin lahaa bulshada jecel xayawaanada ee ku nool magaaladaasi.

Waxey xustay haweeneydan oo leh Wilbur in dhaqanka doorashada xayawaanada uu soo billaawday sanadihii 1990-meeyadii. Wixii xilligaasi ka danbeeyay illaa shan Ey ayaa loo doortay xilka guddoomiyaha magaalada Rabbit Hash ee gobolka Kentucky ee dalka Mareykanka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan