Home / Haweenka / La kulan: Haweeney in ka badan 60 sano ka shaqeyneysay hal xafiis

La kulan: Haweeney in ka badan 60 sano ka shaqeyneysay hal xafiis

Himilo – Yasuko Tamaki oo u dhalatay Japan taniyo sannadkii 1956 waxay aheyd maamule xafiis iyadoo  u shaqeyneysay hal shirkad.

Hadda waa 90 jir marka la gaaro bisha soo socota ee May waxay u dabbaal degi doontaa sannadkeedii sagaashan iyo koobaad.

Iyadoo da’daas jirta isbuuc walba waxay shaqeysaa shan maalin. Shaqadeeda dheer ee halka xafiis ku kooban waxay ku gashay diiwaanka dunida.

“Dhammaan wixii aan sameeyay waxay ahaayeen wixii aan filayay inaan qabto 90 sano. Ma garanayo waxaan dhaho.” Sidaas ayay u sheegtay masuuliyiinta Guinness.

Yasuko oo la siiyay shashaado muujineysay halgankeeda, waxay sheegtay inaysan u qorsheysneyn mustaqbalka inay shaqada da’ ahaan uga fariisato.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan