Himilo – Ana Gabriela Molina oo ku dhalatay gacmo la’aan ayaa ka adkaaneysa naafanimada iyo dhaqanka aan guurin ee ku hareereysan si ay ugu guuleysato tartanka quruxda gobalka ay ku dhalatay ee Veracruz ee dalka Maksiko.
Gabadha 24 jirka ah ayaa ka qeyb galaysa tartanka quruxda gobalka Veracruz bisha Maarso ee soo socota. Haddii ay ku guuleysato, waxay kamid noqoneysaa dadka loo oggol yahay inay u tartamaan tartanka boqoradda quruxda Maksiko ee la qaban doono bisha June.
“Waxaan marayaa tijaabooyin lamid ah kuwa dadka kale, waan ka gudbayaa, waxaan dareemayaa in aan ahay qof dabiici ah,” ayay tiri Ana Gabriela.
Waxay intaa raacisay “Sidan ayaan ku soo koray, sidaa darteed, naafanimadeyda kama dhigna caqabad balse way ka duwan tahay.”
Ana Gabriela ayaa bixisa khubado dhiira gelin ah iyada oo mararka qaar ka shaqeysa xayaysiinta faashiyoonka. Waxay dooneysaa inay tusaale u noqoto dadka qaba baahiyaha gaarka ah.
Inkasta oo aysan laheyn gacmo haddana Ana Gabriela ayaa tilmaameysa in aysan tani ka reebin qaadashada cuntada, adeegsiga taleefanada iyo qoraalka.



