Himilo -Liverpool ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka kooxda CSKA Moscow Fedor Chalov, iyadoo Jurgen Klopp uu doonayo inuu xoojiyo weerarkiisa xilli ciyaareedka soo aadan.
21 jirkan ayaa ah xiddiga ugu goolasha sarreeya horyaalka Russian Premier League xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 15 gool 30 kulan oo uu saftay, waxaana lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxo dhowr ah xagaagan.
Sida laga soo xigtay Daily Mirror, labada Naadi ee Arsenal iyo Manchester United ayaa isha ku haya laacibka 20 milyan oo ginni ay ku qiimeyneyso kooxda reer Russia, sidoo kale Bayern Munich, Borrusia Dortmund, Monaco iyo Sevilla ayaa ah kuwa daneynaya.
Daniel Sturridge ayaa loo oggolaaday inuu ka tago Anfield ka dib markii uu qandaraaskiisa dhacay dhammaadkii Juun, Roberto Firmino iyo Divock Origi ayuu Klopp u haystaa keliya weerarkiisa kooxda koowaad.
Chalov ayaa saxiixay heshiis cusub oo seddex sanno ah oo uu la galay kooxda CSKA bishii Janaayo, lakiin waxaa laga yaabaa inuu ku dhibtoonayo inuu sii joogo ka dib markii uu seegay Champions League.
Tan iyo markii uu kooxda yimid sannadkii 2016-kii, Chalov ayaa dhaliyey 27 gool 65 kulan oo horyaalka ah, sidoo kale wuxuu u saftay Russia labo kulan.
Liverpool ayaa la soo saxiixatay 17 jirka daafaca reer Holland Sepp van den Berg illaa iyo haatan xagaagan, waxaana lagu soo waramayaa inay ku dhaw yihiin inay u dhaqaaqaan saxiixa Fulham laacibkeeda Harvey Elliott.