Himilo -Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu Dejan Lovren ku sii hayo xagaagan kooxda sabab la xiriirta tayada hoggaaminta xulka Croatia.
Lovren ayaa ka dambeeya Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip marka ay timaado daafaca dambeedka dhexe ee Anfield.
AC Milan ayaa si weyn loola xiriirinayay 30 jirkan, kaasoo door muhiim ah ka ciyaaray Croatia isagoo gaaray finalkii koobka adduunka 2018-kii.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Calciomercato, Klopp ayaa go ‘aansaday inuu daafac dhexe sii joogo naadiga isagoo ka eegaya bandhigii xulkiisa.
Ciyaaryahankii hore ee da’yaraha Dinamo Zagreb ayaa 170 kulan u saftay Reds tan iyo markii uu ka yimid Southampton 2014-kii isagoo 7 gool dhaliyay.
Si kastaba ha ahaatee, daafaca ayaa keliya 18 kulan u saftay xilli ciyaareedka 2018-19, keliya 13 ka mid ah kuwaas ayuu ka ciyaaray horyaalka Premier League.