Home / Cayaaro / Lucas Vazquez oo iska lumiyay fursad uu ugu biiri lahaa kooxda Atletico Madrid

Lucas Vazquez oo iska lumiyay fursad uu ugu biiri lahaa kooxda Atletico Madrid

Himilo – Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Lucas Vazquez ayaa lagu soo warramayaa in uu iska diiday fursad uu xagaagan si xor ah ugu biiri lahaa kooxda Atletico Madrid.

Qandaraaska Vazquez ee Real Madrid ayaa dhacaya xagaagan, laakiin kooxda Caddaanka ayaa isku diyaarinaysa dalab cusub oo ay ku dheereynayaan joogitaankiisa Bernabeu.

29 jirkaan ayaa haatan qaata € 3.5 milyan sannadkii, waxaana lagu wadaa inuu helo dalab ka fiican oo gaaraya 5 milyan oo euro si uu kooxda usii joogo muddo seddex sanno ah.

Atletico Madrid ayaa isha ku heysay saxiixa weeraryahankan, laakiin AS ayaa ku warrameysa in Vazquez uu diiday maadaama iyaga iyo Real Madrid ay isku magaalo yihiin.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan