Home / Cayaaro / Luis Suarez oo loo haysto imtixaan uu qishay

Luis Suarez oo loo haysto imtixaan uu qishay

Himilo – Boliiska Talyaaniga ayaa baaraya imtixaankii muwaadinimada ee Luis Suarez uu dhawaan galay, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya inuu u dhaqaaqi doono kooxda lagu naaneeyso marwada duqda ah ee Juventus.

Waaxda dhaqaalaha daba gasha ee boliiska Italy, ayaa tuhunsan inuu ciyaariyahanka ka warhayay macluumaadyo ku jiray Imtixaanka, natiijadiisana ay ka tarjumeyso.

Luis Suarez, ayaa bartamihii bishan u duulay magaalada Perugia ee bartamaha Talyaaniga, si loo dhammeystiro qorshihiisa ka cayaarista horyaalka Serie A.

Qorshaha Suarez ee ku biirista Juva, ayaa u muuqata mid sii wiiqmaya maadaama kooxda haysata horyaalka Talyaaniga la filayo inay dib heshiis ula saxiixato Alvaro Morato.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan