Everton (Radiohimilo) – Romelu Lukaku, wuxuu noqonayaa ciyaaryahankii ugu horreeyey ee toddobaadkii ka qaata 100,000 oo Gini xilli uu ku dhow yahay inuu heshiis cusub lagalo kooxdiisa ku ciyaarta Goodisan Park ee Everton.
Weeraryahanka reer Biljam ayaa heshiiskiisu ku eg yahay bisha June, 2019 – hayeeshe Everton ayaa wada-hadallo kula jirtay wakiilkiisa Mino Raiola taniyo xagaagii hore.
Tababaraha Everton ayaa niyad-wanaag ka muujiyay inuu xaaladda ciyaarayahan Lukaku ay hagaag ku dhameyn doonaan, si lamid ah, heshiisyo ay ka saxiixeen Leighton Baines, Gareth Barry iyo Mason Holgate toddobaadkii hore.
Lukauku ayaa 34-jir u dhashay dalka Biljamka.