Home / Maalmaha Caalamiga / Maalinta caalamiga ah ee badbaadada bukaanka

Maalinta caalamiga ah ee badbaadada bukaanka

Sanadka kasta 17 September dunida waxaa laga xusaa maalinta badbaadada bukaanka. Hay’adda caafimaadka adduunka ee loo soo gaabiyo magaceeda WHO ayaa u debaal degta maalintan.

Ujeedada xuska ayaa ah in la faafiyo wacyi-gelinada la xiriira fahmidda daryeel siinta bukaanka. Maalintan waxaa lagu dhiiri geliyaa badbaadinta bukaanka iyadoo bulshada lagu baraarujinayo inay masuuliyad weyn iska saaraan baxnaaninta bukaanka si loo yareeyo khatarta.

Xuska maalintan, mar kale wuxuu ku soo beegmay iyadoo dunidu ay la daalaa dhacayso safmareenka karoona, shaqaalaha caafimaadka ayaa daal la’aan  ugu hawlan badbaadinta bukaanada, geesta kale waxay hoos u dhigayaan faafidda cudurka.

Hay’adda caafimaadka adduunka waxay dhinacyada saameynta u leh maalintan ku boorineysaa inay la yimaadaan qorshe samatabixin iyo xushmad lagu siinayo bukaanka. Sanadkan waxaa hal ku dheg loo qaatay “badbaadada hooyada iyo daryeelka dhallaanka”.

Sida ay sheegtay WHO, Qiyaastii 810 haween ah ayaa maalin kasta u dhinta sababo laga gaashaaman karo xilligga uurka iyo dhalmada. Waxaa intaa dheer ku dhawaad 6,700 oo dhallaan ah ayaa maalin walba nolol seega. Boqolkiiba 47 carruurtaas da’ aahan waxay ka hooseeyaan da’da shan jirka.

Sida ay sheegeen khubarada caafimaadka dhimashada badan ee hooyooyinka iyo ubadka waxaa loo tiirinayaa cudurro iyo xaaladdo kale oo laga hor tagi karo haddii bahda caafimaadka iyo dawladuhu ay iska kaashadaan hagaajinta adeegga caafimaadka.

Geesta kale maalin walba waxaa dhasha 2 milyan oo ubad ah, in ka badan boqolkiiba 40 waxaa lagu shaqaaleysiiyaa da’ yaraan. Waxay wajahaan dayac u horseeda inuu difaaca jirkooda daciifo kadiba ay ku dhacaan cudurro geeri u keena.

Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah waddamada ugu dhimashada badan hooyada iyo dhallaanka siiba umul raaca. Sahanka WHO ay ka sameysay dalka labo xilli waxaa lagu xaqiijiyay taniyo soo ifbixii COVID-19  in boqolkiiba 45 ay hakadeen goobihiii adeegga caafimaadka Soomaaliya.

Si wax looga qabto khatarta bukaanada soo wajahda waxay hay’adda caafimaadka adduunka ku talineysaa in la sameeyo ka qeyb gal loo wada dhan yahay oo bukaanka loogu gurmanayo.

Maalinta caalamiga ah ee bedqabka bukaanka waxaa lagu meel mariyay shirkii 72aad ee golaha caafimaadka adduunka kaas oo la qabtay sannadkii 2019. Waxaa lagu wadaa sanadaha soo socda in adeegyada caafimaadka kor loo qaadi doono tayadooda.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan