Home / Maalmaha Caalamiga / Maalinta caalamiga ah ee cirib-tirka saboolnimada

Maalinta caalamiga ah ee cirib-tirka saboolnimada

Inkasta oo halbeegyada lagu cabbiro saboolnimada lagu kala duwan yahay, haddana marka aan fiirino midka ay qaadatay Qaramada Midoobay, waxaa sabool la dhihi karaa ruuxa dakhliga soo gala maalintii uu ka yar yahay hal doolar iyo bar, haddii ay tahay mid darran na waxaa la eegtaa 1.90 centi oo shilikeenna Soomaaliga u dhiganta  ku dhawaad 47-kun.

sida ay sheegayaan qiyaasaha Qaramada Midoobay, 689 million, ayaa ka gudbay diilinta saboolnimada, taasi oo ka dhigan in dadyowga adduunka 9.2% ay ku nool yihiin xaalad ay dag tahay inay helaan nolol maalmeedkooda.

Tiradaasi waxaa ku korordhay  in ka badan 120 milya oo qof, wixii ka danbeeyay markii uu dillaacay cudurka aafada ah ee Covid-19, kaasi oo dhaawac xoogan u geystay dhaqaalihii dunida, si gaar ahna saameyn taban ku reebay ganacsiyadii yar-yaraa oo malaayiin qof ay ka maareyn  jireen noloshooda.

Waxey saboolnimadu wax yeeleysay caafimaadka ruux, bulshada iyo guud ahaanba dalalka ay ka jirto, malaayiin ruux ayaa na maanta ka cabanaya xaalado caafimaad darri oo ka dhashay saboolnimada, sida cudurada Duumada, Tiibishada iyo Koleeraha?ADISka oo sanadkii soo rita 14 milyan oo qof oo faqiir ah.

192-ka milyan ee ruux ku shaqa la’aanta ah dunida, waxaa badankood ku abtirsadaan bulshooyinka saboolka ah, taasi oo u fududeysay inuu qofku galo danbiyo isaga oo raaadinayana waxa uu quuto maalinkii. Sida ay muujineyso daraasad la sameeyay na shaqo la’aanta waa shidaalka ugu xoogan ee huriya falal danbiyeedaya ka dhaca dunidan, waxaana badankood ku kaca da’aada u dhaxeysa 15 illaa 24 jir.

Dadka ugu badan ee saboolnimada ka jira dunida ay saameyn taban kaga tagtay waa jiilkii loo baxsan lahaa berrito, kuwaasi oo u dhinta xaalado ka dhashay noloshaasi, tusaalle, sanadkii ku dhawaad 10 kun oo carruur ah ayaa u dhinta sabab la xiriirta hooy xumo.

Si dhibaatooyinkaasi xal loogu helo ayaa golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay qaraar kusoo saareen 22 December 1992-kii, maalinta caalamiga ah ee cirribtirta saboolnimada oo loo asteeyay 17ka Oktoobar.

Si loo gaaro yoolka Cirribtirka saboolnimada ee 2030-ka, waxaa la qabtaa maalintan kulamo lagu baahinayo farriinta ah “Dib u dhis wanaagsan” balse taasi macno gaar ah uma laha kuwa la nool saboolnimada ee la daalaadhaca nolol maalmeedkooda.

Si loo ballaariyo ayaana sanadkan hal ku dheg loo qaatay Iskaashi ayaa lagu gaaraa cadaalad bulsho iyo degaan loo dhan yahay.

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. Further, the hemostatic coagulation system gets disrupted in end stage liver disease propecia long term side effects

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan