Home / Maalmaha Caalamiga / Maalinta Caalamiga ah ee diididda Tubaakada

Maalinta Caalamiga ah ee diididda Tubaakada

Himilo – 31-ka May maanta oo kale waxaa dunida looga aqoonsaday maalinta ka hortagga Tubaakada. Tubaakadu waxa ay dishaa in ka badan 8 milyan oo qof sannad kasta.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu kor u qaadaa Maalinta Caalamiga ah ee diidida Tubaakada Dunida sannad kasta si loo muujiyo halista caafimaad ee isticmaalka tubaakada iyo in lagu dhiirrigeliyo dawladaha inay siyaasadaha ku daraan ficil gacan ka geysanaya yareynta sigaar cabbista iyo isticmaalka waxyaabaha kale ee tubaakada.

In ka badan 7 milyan oo ruux dhimashadoodu waa natiijo ka dhalata isticmaalka tooska ah ee sigaarka, geesta kale o qiyaastii 1.2 milyan oo qof nolol seega qiica sigaarka ee lagu ag cabbo, sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa soo saaray 7-dii Abriil, 1988, qaraar  kaas oo boorinayay in la sameeeyo ‘Maalinta ka dhanka Sigaar-cabidda Adduunka’. Aragtida ayaa la dhaqan geliyay si loogu dhiirrigeliyo dadka inay ka hortagaan isticmaalka tubaakada ugu yaraan 24 saacadood. Dabayaaqadii 1988kii, ururku wuxuu soo saaray qaraar kale oo ah ‘Maalinta ka dhanka ah Tubaakada iyada oo loo asteeyay in laga dhigo 31-ka May sannad waliba.

Sanadkii 2008, WHO waxay mamnuucday nooc kasta oo xayeysiin ama dhiirrigelin ah oo ku saabsan tubaakada, iyadoo u qaadatay in xayeysiisyadu ay soo jiitaan dhallinyarada si ay ugu qancaan sigaarka.

Sannad waliba maalinka caalamiga ah ee diidmada Tubaakad waxaa loo asteeyaa hal ku dhegyo kala duwan,  Halku dhegga sannadkan ayaana ah  “ Ku hal adeyg in aad iska dhaafto tubaakada”.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan