Home / Maalmaha Caalamiga / Maalinta caalamiga ah ee helidda xogta guud

Maalinta caalamiga ah ee helidda xogta guud

Himilo – Waxyaabaha aas-aaska u ah noloshada aadanaha qarnigan 21aad kuna xigi kara helidda hoy, cunno iyo biyo waa helida xogta oo ka mid ah xuquuqaadka uu muwaadinku leeyahay, taasi oo u fududeyn karta inuu qaato go’aan togan isaga oo markaasi ka fogaanaya khaladaadka, waana halka laga yiraahdo muwaadin xog helay ayaa qaata go’aan maangal ah.

Waxey xogtu sidoo kale innaga caawisaa inaan fahanno waxa ka soconaya hareeraheenna, hello aqoon, sidoo kale aan barano tabo aan ku badbaadin karno nolosheenna xilliyada ciriiriga iyo mushkiladaha.

Waayadii hore bini’aadamku waxay xogta isugu gudbin jireen habab kala duwan, tusaalle qarniyo kahor dadku waxey shidi jireen dab si farriin ay u gaarsiiyaan kuwa jaarka la ah, marna waxaa loo dhiibi jiray qof dheereeya, shimbir ama farasle.

Waxay isa  soo baddeshaba hadda si fudud ayay dadku isugu tebiyaan xogaha iyaga oo ka faa’iideysanaya tiknoolojiyadda, si ay ugu naaloodaan xaqa ah raadinta, helitaanka iyo faafinta xogta, waxaase la dafiri Karin kuwa kale oo bulshada weynta dunida ka mid ah oo helitaanka xogtu u fududeyn.

Si qeybtaasi bulshada ka mid ah loo muujiyo baahidooda, loona ayido kuwa kale ee hela, ayey 17 November sanadkii 2015-kii hay’adda wax-barashada iyo Sentifiga iyo dhaqanka Qaramada Midoobay ee UNESCO ku dhawaaqday, in 28-ka September tahay maalinta caalamiga ah ee helidda xogta guud.

Kaddib markii ururo bulsho iyo xubno ka mid ah dowladaha caalamka ay xuseen weyneeyeena maalintan, ayey Golaha loo dhan yahay ee QM ku soo saareen qaraar 28 September 2019-kii.

Waxaa la qabtay kulamo lagu boorinayo dowladaha iyo madaxda nidaamyada kale ee ka jira adduunka si ay u dhowraan xaqa muwaadinka uguna gudbiyaan xogaha saameynta ku leh ee khuseeya noloshooda.

Mid ka mid ah waqtiyadii la dareemay muhiimadda ay innoo leedahay xogta waxaa ka mid ahaa intii u dhaxeysay sanadihii 2019-20-kii markaasi uu dilaacay cudurka aafada ah ee Covid-19.

Markaasi dowladaha caalamka waxey soo rogeen xayiraado lagu xakameeynayo isku socodka dadka, taasi waxey qasabtay in hay’ado badan oo ay ku jirto warbaahinta kasoo shaqeeyaan guryaha taasi oo yareysay xogtii la heli jiray abuurtay na jahwareer.

Waxaana sanadka hal-ku-dheg loo qaatay “Dib u dhisid wanaagsan oo leh helitaan xog” iyada oo laga duulayo ujeedka ah in xilligan uu yahay kan muhiimsan ee ruuxu u baahan yahay inuu heli xog sax ah.

W/Q: Sacdiya Nuur Ciid

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan