Home / Maalmaha Caalamiga / Maalinta Caalamiga ah ee Ka-dhanka-ah Tijaabada Nukliyeerka

Maalinta Caalamiga ah ee Ka-dhanka-ah Tijaabada Nukliyeerka

Himilo  — Taniyo markii la sameeyey tijaabadii ugu horreysay ee nukliyeerka oo ahayd 16 July 1945, in ka badan 2,000 oo mar ayaa la sameeyey, in yar oo muhiimad ah ayaa la siiyay bedqabka iyo samatabaxa nolosha ina aadan haddii la isku adeegsado.

Si kastaba, taariikhda ayaa sheegeysa ciribxumida iyo burburka daran ee laga dhaxlo isku adeegsigiisa. Aqoonta insaanka oo aad u fidaysa awgeed, hubka nuucan oo kale ah wuxuu noqday midkii ugu halista badnaa ee lasoo saaro.

Si kastaba, December 2009, oo kal-fadhigii 64aad ee QM lagu jiro ayaa la saxiixay qaraar tirsigiisu yahay 64/35 kaas oo 29 August u aqoonsanaya Maalinta Caalamiga ah ee Ka-dhanka-ah Tijaabada Nukliyeerka.

Qaraar QM ayaa ugu yeeraya xubnaha baraarug iyo foojignaan sarreysa loo yeesho saameynta qaraar ee la ratibmaysa tijaabadiisa iyo gebi ahaanba meel looga soo wada jeesto bacrimintiisa – si loogu guuleysto helidda dunida ka madax-bannaan Nukliyeerka.

Jamhuuriyadda Kazakhstan iyo deeqbixiyaal kale ayaa dhaqangeliyay qaraarka si loogu dabaal-dego xarunta Semipalatinsk oo lagu tijaabin jiray Nukliyeerka oo ku taalla dalkaas taas oo gebi ahaanba albaabada la iskugu dhiftay 29 August 1991.

Sannadkii 2010-ka, ayaana la xusay 20guuradii kasoo wareegtay dhacdadaas.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan