Himilo – Baraha waxa uu kaalin mug leh ka qaataa samatabaxa nolosheenna, waxa uu inna siiyaa aqoon nidaami ah oo lagu daray qiyam iyo akhlaaq aan ku illaalinno qofnimadeenna,isaga oo innaga caawiya qaabeynta mustaqbalkeenna.
Dadaalkiisa ku koobnaa goobaha waxbarashada waa uu laba jibbaarnay xilligan adag ee dunidu la daalaacadheyso xanuunka Covid-19, iyaga oo ka faa’iideynaya tiknoolojiyadda ayey siiyaan cashirada ardaydooda ku xanniban guryaha si ay uga nabad galaan feyruska karoona una sii wataan waxbarashadooda.
Halka kuwa kale ay aqoonta ku siinayeen ardayda fasaladooda, iyada oo la illaalinayo hab-raaca lagula dagaalamo cudurka Covid-19, si ay u caawiyaan kuwa aanan heli Karin qalabka fududeeya wax dhigista fogaan aragga ah.
Inkasto oo cilmibaaris ay sameeysay UNESCO oo kaashaneysa hay’adda carruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF iyo bankiga adduunka ay sheegtay in aafada karoona ay muujisay firaaqa ka dhex jira baraha iyo ardaygiisa loona baahan yahay in isla falgalkoodu intaasi ka dhawaado, haddan waxaa xaqiiq ah inuu u dhabar adeegay macalin marxaladaasi hadda laga gudbay.
Sida ay muujineyso xogta Bankiga Adduunka, 85 milyan oo barayaal ah ayaa goobaha waxbarashada dunida wax ka dhiga, 39.7 milyan oo ka mid ah waxey dhigaan dugsiyada hoose dhexe, taasi oo ka dhigan in barayaasha ugu badan ay wax ka dhigaan heerarkaasi.
Sanadka marka uu gaaro 2030, waxaa la saadaalinayaa in ay kororto tirada barayaasha dunida oo ay gaarto ku dhawaad 68.8 milyan.
Si loo muujiyo dabar adeegiisa iyo kaalinta uu kaga jiro horumarinta dadka iyo dalka ayuu sanadkii 1994-kii ururka Waxbarashada, Sentifika iyo dhaqanka Qaramada midoobay ee UNESCO, ku dhawaaqay maalinta u gaarka ah barayaasha adduunka.
Balse dedaalka in la heli maallinta caalamiga ah ee macalimiinta waxa uu soo billawday sanadkii 1966-kii markaasi oo UNESCO iyo ururka shaqaalaha adduunka aqbaleen soo jeedino ku aadanaa shaqada baraha, waxaa ku jiray hal-beegyo muujinaya xuquuqaadka, waajbaadka macalinka iyo xaaladaha ay ku shaqeynayaan.
Iyadoo la ammaanayo dadaalkii caajis li’ida ahaa oo ay bixiyeen intii uu jiray cudurka Covid-19, ayaa sanadkan hal-ku-dhegga maalinta macalinka loo qaatay “ Barayaasho waa ubucda sookabashada waxbarashada”.