Home / Maalmaha Caalamiga / Maalinta Caalamiga ee Dhaxalka iyo Dhaqamada Soo-jireenka

Maalinta Caalamiga ee Dhaxalka iyo Dhaqamada Soo-jireenka

Himilo  — Dhaqanku waa isku dhafka ficillada soo jireenka ah ee ruuxaaniyadda, agabyada la adeegsado, goobo cayiman siyaaradooda, cayaaro iyo aqoonta iyo wixii la halmaala kaas oo loo tix-geliyo lama taabtaan iyo ab-ka-ab kasoo gaar joojintiisa, marka loo eego maahmaahyadii guunka ahayd, oranaysa, caado la gooyay caro Alle ayay leedahay.

Si kale marka loo eego, dhaqanku waa muraayad iyo astaan u taagan jiritaanka iyo soo jireennimada ilbaxnimo iyo degaaneed oo dal ama bulsho gaar u leedahay. Waana wadnaha doodaha la xiriira ahaanshiyaha umadnimo, tixraaca geeddi-socodkeeda iyo horumarka aqoonta ku saleysan habkeeda dhaqan-dhaqaale.

Si kastaba, kobaca bulshooyinka kala isirka iyo dhaqamada ah, waxaa lama huraan ah in la hubiyo is-dhexgal xasiloon oo ka dhex beerma qoysaska magaalooyinka iyo jaasaska reeraha miyiga ku nool si ay kala duwaanshiyahooda ugu dabaal-degaan iskuna dhaafsadaan fikradaha wax-ku-oolnimada u leh xoojinta iskaashiga iyo wada noolaanshaha si loogu guuleysto hiigsiga horumarka joogtada ah. Si haddaba middaas loo xaqiijiyo, waxaa laf-dhabar u ah milanka iyo isku dhafsanaanta dhaqamada oo gunta kama dambeysta dhaxal waara u noqoneysa ina aadan meel uu dunida guudkeeda ka joogo. Waa muhiim dhaqamada iyo caadooyinka bulshada in la aqoonsado loona dabaal-dego si manta iyo mustaqbalkaba ay jiilasha is daba haya ugu noqoto faa’iido.

Somaaliya marka la joogo dhaqamada ama caadooyinku waxay qarniyo badan soo ahaayeen tusaalayaasha nool oo dunida kale u gudbiya heybta umadnimo iyo gaarnimada bulsho oo ay goonideeda ula nooshahay.

In kasta oo hadda qeybo badan oo dhulka Somaalida kamid ah aanu dhaqanku uga jirin sidii lagu ogaa qarniyadii hore, haddana, cimilada iyo dabeecadda degaanka ay ku kala nool yihiin ayaa marwalba go’aamin jiray hadba waxa dhaqan iyo hidde ah oo ay qolo iyo qabiil meel gaar ah ku nool ay u leeyihiin.

Halka gobollada waqooyiga ay suugaanteedu ku badan tahay gabayo ciilqab, urugo, iyo hurin colaadeed iyo aarsasho sal-dhig u ah oo kala dhaca geel, kala jiidashada daaqsinta xoolaha ka dhasha, haddana dhaqanka ka jira koofurta wuxuu qeyb ahaan muujinayaa xasilooni iyo degaan nabad ah.

Tusaale ahaan, Badgalka oo ahayd cayaar-dhaqameed caan ah waxaa gaar ugu dabaal-degi jiray bulshada Xamar iyo Xamar-daye ku nool kuwaas oo isku soo bax weyn iyo fantasiyo ku weyneyn jiray xuskeeda. Markii Kacaanku dhashay ayuu si kasataba mamnuuc ka dhigay in loo dabaal-dego cayaarta Badgalka. Hayeeshe, markii uu meesha ka baxay xukunkii militariga, waxaa dib loo anba-qaaday xuskeeda.

Mana ahan Badgalka midda kaliya oo caanka ka ahayd gobollada koofurta dalka. Dabshidka ama Neyruuska ayaa kamid ah kuwii ugu caansanaa ee loo diyaargaroobi jiray xuskeeda. Waxaana bilowga sannad kasta cayaaro dhaqameed lagu weyneynayo lagu qaban jiray magaalada Afgooye iyo degaannada hoos yimaada.

Lama oga sida cayaaro-dhaqameedyadu ay kusoo bilowdeen. Laakiin waxaa la isla qirsanaan jiray inay is-dhexgalka iyo wada noolaanshaha bulshada ay kaalin weyn uga jiraan madaama ay isaga kala imaan jireen degaannadooda. Waxaana ay abuuri jireen xasilooni bulsho, dareen is lahaanshiyo iyo wax wada qabsasho.

Inaan loo dabaal-degin lana diido xuskooda waxay weji gabax iyo hungo aan la mahdin ku tahay jiritaanka dalnimo madaama waddanku ka kooban yahay isu-tagga qoysas iyo qabaailo ku midoobay calan iyo maamul dowladnimo. 

Burburkii dalka sababihii keenay waxaa kamid ah in bulsho iyo degaan cayiman si gaar ah loogu diido inay u dabaal-degaan dhaqanka iyo caadada ay qarni kahor inta aanay dowladnimadu dhalan kahor ay si xurriyad leh u xusi jireen.

Si kastaba, 21 June ee sannadka kasta ayaa loo aqoonsaday maalinta caalami ah oo loo dabaal-dego dhaqanka iyo dhaxalka caadooyinka soo jireenka.

Qore: Zaki Hiraale.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan