Home / Maalmaha Caalamiga / Maalinta Caalamiga ee Isirka Afrika
June 2019 - Jamaica. Water harvesting project funded by Japan. Story link: https://undp.exposure.co/harvesting-water-cultivating-hope Photo: UNDP Jamaica/Tori Repole

Maalinta Caalamiga ee Isirka Afrika

Himilo — Maalinta Caalamiga ah ee Isirka Dadka Afrika waxaa markii ugu horreysay loo dabaal-degayaa sannadkan si loo muujiyo kaalinta wax-ku-oolnimada leh oo ay kaga jiraan jaalliyadahooda ku nool dunida dacalladeeda meeshana looga saaro dhammaan nuucyada kala duwan ee isir-takoorka iyo faquuqa ka-dhanka-ah Afrikaanka.

Dadka oo dhami waxaa lagu dhalay sinnaan iyo xurriyad ay sumcadda iyo qaddarintu u tahay sal-dhig. Waxayna dhammaantoodba xaq u leeyihiin inay xooggooda iyo caqligooda ku biiriyaan kaalmada iyo sare-usoo qaadista heerka liidata ee nolosha ina aadan.

Jaad kasta oo sarreyn ku dhisan isir-isugu-faan abuuraysa waa qalad iyo gef ka dhan ah qoyska ina aadan. Waxaa ka dhalanaysa cadaalad-darro, halis soo boodda ah iyo is-qaadasho la’aan.

Sidaas darteed waa in meel looga soo wada jeestaa ficillada wiiqaya isku dayaya inay kala dhantaalaan wadajirka isirrada ina aadan.

QM waxay si adag u canbaareynaysaa rabshadaha jira ee awoodaha xad-dhaafka ah loogu adeegsanayo dadka Afrika iyo isirka kasoo jeeda. Waxayna dhaleeceynaysaa cunsuriyadda murqaha kusii fidsanaysa dunida oo dhan taas oo si gaar ah u saameynaysa isirka dadyowga Afrika.

Ganacigii Addoonsiga ee Transatlantikada ayaa loo aqoonsaday inuu yahay baalasha ugu madow geeddisocodka taariikhda ina aadan. Waxaana si lamid ah mahadhadaas foosha xun loo tilmaami karaa habab kale oo addoonsi ka-warqab ahaa oo dadyowga Afrika lagula kacay waagii gumeystaha uu dhulkooda kusoo duulay.

In kasta oo ay jiraan dadaallo lagu ilaalinayo xaqdhowrka isirka Afrika haddana dadyowgani waxya wali sii wadaan inay u silcaan falal isir-naceyb oo lagula kaco. Inaan si dhammeystiran loogu soo wada jeesan xal-u-helidda dhibaatooyinka ay abuurkooda awgeed kula kulmayaan ma yara.

Laga soo bilaabo garoomada kubadda cagta qaaradda Yurub oo da’yar badan oo laacibiin Afrikan ah ay safka hore uga jiraan guulaha kooxaha waaweyn ee horyaallada caalamiga ah katirsan, uma damaanad-qaadayso inay ku helaan sinnaan iyo xushmad. Guul-darradii ugu dambeysay oo xulka England uu kala kulmay finaalka Koobka Qaramada Yurub wixii ka dhashay oo ahaa in cayaartoyda madowga ah dusha loo saaro eedda iyo cambaareyntii natiijadii la helay waa tusaalaha wali muuqda.

Mana ahan oo qura kubadda cagta iyo cayaaraha midda ugu badan oo isirka dadyowga Afrika meel looga dhaco. Xarumaha gacansiga iyo kaabayaasha adeegyada dadweynaha kuwa xoojiya ayaana ku jira kuwaas oo si maalinle ah lagula kaco meel-ka-dhac iyo liidid.

Dilkii George Floyd oo caro badan ka abuuray gudaha Maraykanka iyo dunida inteeda kale ayaa muujiyay sida sinnaan la’aanta iyo jiritaanka isirka Afrika aan wali loo siinin mudnaan sarreysa. In kasta oo cadaaladda la mariyay kuwii ku kacay dilkiisa, haddana waxa xanuunka leh ee ku jira qisadiisa waa in madow badan ay ku baxaan gacmaha ciidamada.

Qore: Zaki Hiraale.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan