Home / Maalmaha Caalamiga / Maalinta Caalamiga ee La-dagaalanka Nabaadguurka iyo Abaaraha

Maalinta Caalamiga ee La-dagaalanka Nabaadguurka iyo Abaaraha

Himilo — June 17 sannadka 2021 Maalinta Caalamiga ee Nabaadguurka iyo Abaaraha waxaa diiradda lagu saarayaa dib u nooleynta dhulka qalalay si loogu nacfiyo. Ol’olahaas dib usoo celinta ahina wuxuu horseedayaa abuurka fursado dhaqaale, shaqooyin iyo dakhliga qofeed oo kordha. Waxaa sidoo kale kobcaya heerka wax soo saarka cuntada.

Qorshaha daba qabashada dabaadiga ka haray dhulal badan oo nabaad iyo xaaluf ba’an lagu halakeeyey, wuxuu si huban u suuragalin doonaa isu-imaatinka noolaha haadda iyo duurjoogta iyo inay mar labaad ku tarmaan duni cagaaran dhexdeeda. Gudaha howlgalkaas, wuxuu sidoo kale sahli doonaa inuu dhimo is-beddelka joogtada iyo xad-dhaafka ah ee cimilada. Waxaana maluhu sheegayaa in gu’yaal kooban dhexdooda lagu guuleysan karo ciribtirka aafooyinka iyo gaboodfallada uu ina aadan kula kacayo meeraha dhulka kuwaas oo mugdi iyo hubaal la’aan gelinaya mustaqbalka jiritaan ee hab-nololeedka degaanka.

Ku dhawaad 30% oo qeybta engagan ee dhulka kamid ah wuxuu ina aadan ugu gogol-xaarayaa si uu ula kulmo baahida uu u qabo helidda cunno, agabyada ceeriinka ah, waddooyin iyo degaamaysi. Waxaana meel cad looga tagayaa in wax la iska weydiiyo negaadiga dabeecadda arlada iyo samata-baxeeda mustaqbalka. Tani waxay la timid ficillo is herdinaya iyo saameyn aan la mahdin oo ka dhasha si xun u adeegsiga kheyraadka ku dihan arlada iyo guudkeeda.

Dadallada iyo ka go’naanshiyaha ay dalal badan ku saxiixeen in cabbir dhan hal bilyan oo hectar – oo lamid ah baaxadda dhulweynaha Shiinaha –  lagu soo celiyo dabeecaddii asalka ahayd marka la hirgaliyo ol’oloha dhirbeerista caalamiga oo soconaya gu’yaal 10-sanno oo xiriir ah wuxuu sahli doonaa soo kabasho iyo bilowga ayaan cusub oo arlada u dhasha.

Meeraha iyo noolaha ku nool waxay marwalba dhibanayaal u yihiin ficillada muuqda iyo kuwa dahsoon oo ina aadan uu hadiyo jeer ugu geyfan yahay si uu nacfi ku filan ugala soo baxo. Waxaana meesha ka baxayda mas’uuliyaddii insaanimo oo lagula tacaali karo halista isasoo taraysa.

Bilowgii 90-meeyada ayaa, si kastaba, Kal-fadhiga guud ee QM ayaa baaq ay soo saareen ku iclaamiyay June 17 inay tahay Maalinta Caalamiga ah ee Nabaadguurka iyo Abaaraha.

Hey’adaha iyo ururrada gudaha ayaa isku taaga inay muujiyaan ol’olayaal iyo wacyi-gelino ku saabsan aafadda iyo daqarrada muuqda ee loo geystay dhulka iyo siyaalaha looga jawaabi karo.

Waxayna maalintani ku baaqdaa in wadajir la iskaga yimaado xal-u-helidda nabaadguurka iyo abaaraha soo noqnoqda.

Diihaalka iyo rafaadka ka muuqda geyi badan oo dhirtii ku nooleyd loo xaalufiyay in dhuxul laga shito waxay reer miyi badan usoo jiiday inay dhadhamiyaan sababta ficillada gurracan oo ay ku kaceen. Si kale marka loo yiraahdo abaaraha iyo roobyarida meelo badan oo dhulka Somaalida kamid ah ka taagan waxaa asalka ciriqeeda dib loogu celiyaa xaalufka ba’an iyo nabaadguurka ka dhashay degaanka.

La-yaabna malahan in bartamaha sannadaha is xiga lasoo weriyo baaqsinta iyo heliwaaga roobabkii di’ jiray xilliyada.

Haddii si isku jaango’an ama is barbar socod ah loo bilaabo ol’olayaal lagu joojinayo jarista dhirka iyo xaalufka ba’an ee keymaha iyada oo isla mar ahaantaana la hirgalinayo mashruuc qaran oo dhir beeris ah, waxaa muddo kooban lagu guuleysan karaa dib usoo nooleynta geyi dhan oo dhulka Somaalida kamid ah oo ay la dageen abaaro iyo biyo la’aan.

Qore: Zaki Hiraale.

About Ahmed Haaddi

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan