Home / Maalmaha Caalamiga / Maalinta Caalamiga ee Suuliga oo dunida laga xusay

Maalinta Caalamiga ee Suuliga oo dunida laga xusay

Muqdisho – Tan iyo sanadkii 2013-ka, QM ayaa 19-ka November sanad kasta u aqoonsatay Maalinta Caalamiga ee Suuliga si loo asteeyo baraaruga caalamiga ah ee la xiriira muhiimadda helitaan ee musqulo iyo doorkooda la xiriira nadaafadda iyo caafimaadka adduun-weynaha.

40% duni oo dhan – ama in ka badan 2.4 bilyan oo qof ayaan heysan nadaafadda  habboon ee nolosha. Labadii boqol ee sanadood ee lasoo dhaafay, isticmaalka musquluhu waxay cimriga bani’aadanka ku kordhiyeen 20 sanadood oo dheeri ah.

Qeyb kamid ah hiigsiga 2030-ka ee ahdaafta horumarinta joogtada ah, QM ayaa quudarreynaysa hubsashada helitaanka biyo iyo nadaafad sarreysa ifka oo dhan. Dunida qaar, dadku waxay sitaan moobilo ay ku hadlaan in ka badan inta ay heli karaan musqulo ay isticmaalaan siiba dalka Hindiya.

Hufnaan la’aanta iyo uskagu waxay sare u dhigaan halista macluusha iyo cudurrada gaar ahaan carruurta iyo haweenka.

Cudurka Shuban-biyoodku waa sababta labaad ee dhimashada carruurta ka yar da’da shan sano jirka, waxaana gebi ahaantiis looga hortagi karaa helitaanka biyo nadiif ah iyo musqulo hagaagsan.

Halkii doolar ee lagu maal-geliyo helidda biyo nadiif ah iyo dhisitaanka musqulo hagaagsan, waxaa jira $4.3 oo rogaalkeeda lagu celiyo daryeelka caafimaadka ee dhibaatooyinka ka dhasha.

3 sano oo kamid ah cimriga noloshaada waxaa ku bixisaa booqashada Musqulaha. Gacmaha oo la iska dhaqo, waxay badbaadin kartaa nolosha dhallaan gaaraya 3.5 milyan sanad walba.

Dalka Hindiya wuxuu kamid yahay dalalka maanta oo kale loo dabaal-degayo Maalinta Caalamiga ee Suuliga ama Musqusha uu aad u quseeyo. Tan iyo muddaba, adeegsiga musqulo hagaagsan ma ahayn dhaqan dalka oo dhan laga hir-galiyay. Si arrntaas loogu baraarugsanaado ayuu Mahatma Gandhi yiri; “Nadaafaddu aadbay uga muhiimsan tahay xurriyadda.”

Afrika dad badan oo ku nool ayaa iyaguna helin suuli, waana sababta dad badan ugu saxaroodaan bannaanada taasi oo cudurro badan ka dhashaan. Soomaaliya, miyiga iyo magaalada kama sinna helidda suuli waxaana wali culeysyo badan ka taagan yihiin qeybo badan oo kamid ah miyiga fog.

Qore: Mahad Mohamed Ali

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan