Home / Cayaaro / Manchester City oo qiimo sare ku dooneysa Romelu Lukaku
romelu-lukaku

Manchester City oo qiimo sare ku dooneysa Romelu Lukaku

Himilo – Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay doonayso soo qaadashada weeraryahanka  Inter Milan ee Romelu Lukaku.

Citizens ayaa la filayaa in ay dukaameysi sameeyaan dhammaadka ololaha 2020-21, kaasi oo ay ku doonayaan weeraryahan cusub, waxaana loo arkaa beddelka gooldhaliyaha ugu sarreeya kooxda ee Sergio Aguero.

Sida ay werineyso The Telegraph, City ayaa diyaarineysa £200m si ay xagaagan u hagaajiyaan safkeeda waxaana ka qeyb ah xiddiga Lukaku.

Laacibka qaranka Belgium ayaa dhaliyay 51 gool isaga oo kooxda reer Italy u ciyaaray 73  kulan oo ay ku jiraan 17 gool oo ololahaan 2020-21 ah markii uu saftay 22 kulan  dhammaan tartamada

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan