Home / Cayaaro / Manchester United oo beddelka Paul Pogba ka baadigoobeysa Real Madrid

Manchester United oo beddelka Paul Pogba ka baadigoobeysa Real Madrid

Himilo – Manchester United ayaa doorbideysa in Paul Pogba ku beddeshaan laacibka Real Madrid, ee Federico Valverde kaasi oo kasoo muuqanaya Old Trafford, sida ay ku warrameyso The Sun.

Pogba ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu ka tegayo Manchester United, iyadoo Real Madrid dooneysay in muddo ah.

Valverde ayaa ku biiray Real Madrid isaga oo ka yimid Penarol sannadkii 2017, markaas oo si amaah ah uga tegay Deportivo La Coruna, inkastoo markii danbe uu dib ugu soo laabtay Real. Xiise ayuu ka helayaa Manchester United.

22 jirkaan ayaa saftay 74 kulan dhammaan tartamada uu u ciyaaray Los Blancos tan iyo markii uu soo muuqday 2018. Waxa uu dheelay 44 kulan dhammaan tartamada xagaagii tegay.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan