Home / Cayaaro / Manchester United oo dib ugu laaban doonta arrinka Jadon Sancho bisha Janaayo

Manchester United oo dib ugu laaban doonta arrinka Jadon Sancho bisha Janaayo

Himilo – Manchester United ayaa la werinayaa in aysan ka quus dhigin saxiixa Borussia Dortmund ee Jadon Sancho iyaga oo u dhaqaaqi doona bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Red Devils ayaa si xooggan loola xiriirinayay laacibka qaranka England, laakiin waa ay ku hungoobeen soo qaadashadiisa, iyaga oo awoodi waayay bixinta dalabka lacageed ee BVB oo gaarsiisan £108 milyan.

Sida ay ku warrameyso Manchester Evening News, 20-jirkaan ayaa weli kamid ah kuwa ugu sarreeya oo ay dooneysa Manchester United. Kooxda ayaa dib isagu dayi doonta soo qaadashadiisa xiddigan bisha Janaayo.

Warbixinnadu waxay intaasi raacnayaan in weeraryahanku damacsan yahay ka dhaqaaqitaanka Signal Iduna Park xagaaga soo aadan, waxaana xiisa xoogan kaga imaanayaa Liverpool, Bayern iyo Real Madrid.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan