Maraykanka oo gacanta ku dhigay madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa

Himilo – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidammada Maraykanku ay gacanta ku dhigeen madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores, kaddib weerarro ballaaran oo Sabtidii ka dhacay caasimadda Caracas.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku sheegay in Maraykanku fuliyay “howlgal milatari oo ballaaran” oo ka dhan ah Venezuela, isla markaana Maduro iyo xaaskiisa la qabtay lagana saaray dalka, howlgalkaasna lagu fuliyay iskaashi ay sameeyeen ciidammada Maraykanka iyo hay’adaha fulinta sharciga. Wuxuu intaas ku daray in shir jaraa’id lagu qaban doono 11:00 subaxnimo xarunta Mar-a-Lago.

Wararka qabashada Maduro ayaa sidoo kale la sheegay in ay xaqiijiyeen ciidanka gaarka ah ee Maraykanka (Delta Force) oo la hadlay warbaahinta BBC.

Duqeymaha ayaa lagu beegsaday meelo kala duwan oo ku yaalla Caracas. Ka hor inta uusan Trump shaacin qabashada Maduro, dowladda Venezuela ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg qaran, waxayna cambaareysay waxa ay ku tilmaantay “gardarro militari” oo Maraykanku ku qaaday dalka, iyadoo shacabka ugu baaqday inay isu abaabulaan “ka hortagga gardarradaas imperialist-ka ah”.

Warbaahinno maxalli ah ayaa sidoo kale tabiyay in Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Caddaaladda Diosdado Cabello lagu dilay weerarka, inkastoo xogtaasi si rasmi ah loo xaqiijin.

Weerarrada Maraykanka waxaa cambaareeyay Madaxweynaha Cuba Miguel Díaz-Canel iyo Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro. Inkasta oo Colombia aysan aqoonsanayn xukuumadda Maduro, haddana waxay si cad uga soo horjeeddaa faragelin militari oo Maraykanku ku sameeyo Venezuela, iyadoo labada dal ay xuduud wadaagaan. Cuba ayaa ka mid ah dalalka yar ee si dhow ula safan Caracas.

Saraakiil militari oo Maraykan ah ayaa sheegay in Trump uu oggolaaday weerarrada dhowr maalmood ka hor, sida ay werisay CBS News. Ilo wareedyo ayaa intaas ku daray in howlgal la qorsheeyay xilligii Kirismaska, balse dib loo dhigay sababo la xiriira mudnaanta la siiyay duqeyn Maraykanku ka fuliyay Nigeria oo lala beegsaday ISIS, iyo sidoo kale cimilo xumo.

Maraykanku wuxuu muddo bilo ah xoojiyay joogitaankiisa militari ee gobolka, isagoo dhigay markabka diyaaradaha xambaara ee USS Gerald R. Ford iyo maraakiib kale oo badan oo ku sugan Badda Caribbean-ka. Sidoo kale, Maraykanku wuxuu qabtay laba markab shidaal oo ka yimid Venezuela, wuxuuna weerarro ku qaaday in ka badan 30 doon oo ay dowladdu sheegtay inay waday daroogo.

Haatan, difaacyada cirka ee Venezuela ayaa ka shaqeynaya hawada Caracas, waxaana qalab militari lagu arkayaa waddooyinka magaalada, iyadoo xaaladdu weli tahay mid aad u kacsan.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan