Home / Arrimaha Bulshada / Masar oo qaadaneysa sharci ku saabsan furriinka oo aan ka jirin dalalka Carabta

Masar oo qaadaneysa sharci ku saabsan furriinka oo aan ka jirin dalalka Carabta

Himilo- Hay’adda maaliyadda guud ee Masar ayaa diyaarineysa sharci cusub oo ku saabsan xaaladaha furriinka dalka Masar iyadoo noqonaysa tallaabadii ugu horreysay ee taariikhda dalka.

Sida warbaahinta Masar  qortay, hay’adda ayaa ka arrinsaneysa diyaarinta hindise-sharciyeed tilmaamaya in heshiis ceymis ah galaan lamaanaha iyadoo ninka ku qasban yahay in uu bixiyo lacag ka dhigan magdhaw oo la siinayo gabadha la furay.

Hindise-sharciyeedka ayaa la filayaa in la hordhigo golaha wasiirada kahor inta aysan ka doodin golaha baarlamaanka dalkaasi bisha November ee soo socota.

Sida uu dhigayo sharciga, ninka ayaa bixinaya lacag  ay ku heshiinayaan dhinacyada ay quseyso kahor xarigga nikaaxa.

Khubarada ayaa xusay in sharciga looga dan leeyahay in lagu caawiyo haweenka carmalka ah iyo korriimada carruurtooda. Waxaa kale oo sababaha kamid ah in lagu yareeyo xaaladaha furriinka tirada badan ee Masar.

Dadka adeegsada baraha bulshada ayaa ku kala qeybsamay sheekada, waxaa kamid aha kuwa taageeraya hindisaha iyo kuwa tilmaamay in uu yahay culeys horleh oo uu wajahayo ninka dhallinyarada ah.

Ku dhawaad hal Milyan iyo 200 kun oo xaalado furriin ah ayaa laga diiwaan geliyaa Masar sannad kasta.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan