Himilo – Dowladda Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan ah in lagu daro barashada af-Sawaaxiliga manhajka waxbarashada ee dugsiyada iyo jaamacadaha. Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Soomaaliya ay ku biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), Mudane Ilyas Cali Xasan ayaa sheegay in afka Sawaaxiliga uu yahay mid kamid ah Luuqadaha rasmiga ah ee Ururka EAC oo dowlada Soomaaliya xubin buuxda k atahay, taas ayaana ka dhigeysa waajib kamid ah waxyaabaha laga rabo dowldaha xubnaha ka ah inay ku daraan Manhajkooda Waxbarashada.
Ardayda hadda ku jira tacliinta ayaa qaarkood ayaa qaba in gudaha dalka aysan xilligaan ka jirin baahi loo qabo in luuqad qalaad lagu soo kordhiyo, marka laga reebo dadka aadaya dalalka looga hadlo, sida uu qabo Ibraahim isaaq oo ka mid ah ardayada wax ka barta jaamacadaha dalka.
Barashada Kiswahiliga ayay dadka qaar xiliga\an u arkaayaan in gacan ka geysan karto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya la leedahay waddamada deriska la ah ee ku yaalla Bariga Afrika. Waxay sidoo kale fududeyn kartaa xiriirka ganacsi ee Soomaaliya ay la leedahay waddamadaas, islamarkaana gacan ka geysan karto in Soomaaliya ay saamayn ku yeelato dalalka ku hadla.
Soomaaliya oo burburkii dalka kadib ay soo galeen luuqado qalaaad oo lagu soo daray manhajka waxbarashada dalka islamarkaana hoos u dhigay koritaankii afka Soomaaliga, ayaa kusoo biiridada Kisiwaaxiliga waxay xagal daacin kartaa sida Ibraahim uu u arko iyo inta la mid ah.
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulkadir, ayaa sheegay in dowladda ay la shaqeyneyso hay’adaha gobolka si loo diyaariyo qaab-dhismeedka lagu soo rogi doono barashada Sawaaxiliga heer qaran.
Barashada luqaddan ayay dadka qaar u arkaan waa tallaabo istiraatiiji ah oo muujineysa isbeddel cusub oo dhanka waxbarashada iyo siyaasadda dibadda ah ee Soomaaliya. Inkasta oo hirgelinta rasmiga ahi weli ay ku jirto marxalad qorsheyn ah, haddana qorshahani wuxuu iftiiminayaa rabitaanka Dowladda Federaalka ee ah in Soomaaliya ay si buuxda ugu dhex milanto bulshada Bariga Afrika, lana xoojiyo wada-noolaanshaha iyo is-fahamka gobolka.
 Radio Himilo
Radio Himilo 
				 
 
		

 
											 
											