Home / Arrimaha Bulshada / Maxaa sababay inay haweenka qaadan waayaan tallaalka Covid-19?

Maxaa sababay inay haweenka qaadan waayaan tallaalka Covid-19?

Himilo – Karoona wuxuu noqday Cudur dillaa ah oo taariiqda aadanaha ku sii dhignaan mustaqbalka. Billowgii dadyowga dunida wuxuu ku riday argagax. Waxaa la garan waayay si loo wajaho. Wuxuu sababay dhimashada in ka badan 6 milyan.

Dhaqaale badan ayaa dunida uga baxay xakamadeynta cudurka. Soo ifbixiisii ilaa sanadka 2024 waxa la filayaa in lagu bixiyo 12.5 Tirilyoon.

Kharaska intaas le’eg ayaa badi ilaa hadda ku baxay la tacaalidda Fayruska. Ugu dambeyn waxaa la helay dhowr tallaal oo qofka ka caawinaya u adkaysiga cudurka.

Karoona hadda wuxuu noqday cudur ka mid ah cudurrada lala nool yahay, dawada keliya ee loo helay waa tallaalka. Balse waxaa jira dadka tallaalkaas diidan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha uu tallaalku soo gaaray, hase yeeshee waxaa la diiwaan geliyay inaan loo qaadan sidii loogu tala galay.

Daraasad la sameeyay ayaa muujisay in haweenka ay yihiin dadka ugu badan ee qaadashada tallaalka uga casho jiiday sababay ay ka mid tahay inuu dhibaato u keenayo.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan