Maxaad ka ogtahay xiddigaha xiriirka walaalnimo,qaraabanimo iyo mid xididba leh

0
7

Himilo – Hadday tahay walaalo, ilma adeernimo,ama  xidid ,dhammaanteen waxaa laga yaabaa in aysan wada ogayn in laba ciyaartoy oo kubbadda cagta ah ay si uun xiriir u leeyihiin.

Filippo iyo Simone Inzaghi, Nevilles –kii Manchester United iyo halyeyga Toure ee walaalaha ah kuwaas oo qaaday horyaalka Premier League waa qaar ka mid ah kuwa ugu caansan waqtiyadii ugu dambeeyay.

Waxa kale oo jira dareen dhiirigelin leh marka da’yarta soo koraysa sida Marcus Thuram, Timothy Weah iyo Justin Kluivert ay raacaan waddadii aabbahood iyagoo noqday xiddigo.

Laakiin ka warran qaraabada kubbadda cagta ee aan caanka ahayn – kuwa aan daruuri ahayn inay wadaagaan magaca dambe iyo kuwa xidid ahba.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah ciyaartoydii caanka ahaa ee kubbadda cagta oo aadan ogayn in ay wax isu yihiin.

Luka Modric and Mark Viduka

Xiriirka qoyska la yaabka leh ee laga yaabo inaadan ka warqabin ayaa ah ku guulaystaha Ballon d’Or Luka Modric iyo weeraryahankii hore ee Leeds Mark Viduka oo ilma adeer ah.

Viduka ayaa xirfadiisa caalamiga ah ku qaatay gool dhalinta Australia halka Modric uu xulka qaranka Croatia u qaaday finalka koobka adduunka.

Viduka aabbihiis, Joe, wuxuu ku dhashay Croatia (Yugoslavia) ka hor inta uusan u guurin Australia, halkaas oo uu ku dhashay weeraryahanka.

Seydou Keita and Mohamed Sissoko

Labadaba Seydou Keita iyo Mohamed “Momo” Sissoko waxaa abti u ah halyeyga kubadda cagta Mali Salif Keita, kaasoo ku guuleystay abaal-marinta laacibka ugu wanaagsan Afrika sannadkii 1970-kii.

Keita ayaa si gaar ah ugu riyaaqay waayihiisa ciyaareed ee cajiibka ah isaga oo Barcelona kula guulaystay saddex horyaal oo La Liga ah iyo laba Champions League oo uu tababare u ahaa Pep Guardiola.

Dhanka kale, Sissoko ayaa caan ku ah waqtigiisii ​​Liverpool intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2008, isagoo sidoo kale ku guuleystay Ligue 1 Paris Saint-Germain.

Harry Arter and Scott Parker

Harry Arter iyo Scott Parker kaliya ma wadaagaan wada jirka u ciyaarista khadka dhexe iyo ka bilaabista xirfadooda ciyaareedba kooxda Charlton, laakiin labada laacib ayaa sidoo kale xiriir kale ka wadaaga dhanka xididnimada  iyada oo Parker uu guursaday Arter walaashii in ka badan 15 sano ka hor.

Parker xitaa wuxuu dhawaan tababare u noqday Arter intii lagu jiray amaahdii uu ku joogay Fulham xilli ciyaareedkii 2019/20, ka hor inta uusan u wareegin Arter kooxdii hore ee Bournemouth 2021.

James Rodriguez and David Ospina

Ma ahan maalin kasta in labada ciyaaryahan ee ugu muhiimsan ee qaranka ay xiriir leeyihiin.

Taasi waxay ahayd xaqiiqdii xulkii Colombia ee koobka adduunka 2014, markaasoo James Rodriguez iyo David Ospina ay gaareen wareega 8da ka hor inta aysan ku reebin martigeliyaha Brazil.

Rodriguez wuxuu guursaday xiddigta kubbadda laliska ee Ospina walaashiis ah Daniela 2011, in kasta oo labadoodu ay tan iyo markii ay kala tageen.

Leroy Fer and Patrick van Aanholt

Laacibkii hore ee Netherlands Leroy Fer ayaa ku biiray ina-adeerkiis Patrick van Aanholt isagoo noqday ciyaaryahan Premier League ah markii uu u saxiixay Norwich City 2013.

Fer waxa uu dhowr jeer ka horyimid qaraabadiisa intii uu ku sugnaa Queens Park Rangers iyo Swansea, halka van Aanholt uu ka soo shaqeeyay Wigan, Sunderland iyo waliba Crystal Palace.

Yannick Bolasie and Lomana Lua Lua

Weeraryahankii hore ee Newcastle United Lomana Lua Lua waa ina-adeerkii garabkii hore ee Crystal Palace Yannick Bolasie.

Lua Lua waxa uu xilli hore u dheelay Magpies iyo Portsmouth halka xiddiga DR Congo Bolasie uu toban sano ka dib uu la galay Palace Championship.

Ciyaaryahankii hore ayaa ka fariistay kubadda cagta sanadkii hore halka Bolasie uu haatan u ciyaaro kooxda Turkiga ee Caykur Rizespor.

Marek Hamsik and Walter Gargano

Halyeeyga Napoli Marek Hamsik ayaa khadka dhexe la wadaagay Urguayanka Walter Gargano muddo siddeed sano ah oo ay ku qaadeen Coppa Italia 2012 iyo Supercoppa Italiana.

Laakiin labada laaacib ayaa xitaa la keenay 2012-kii Gargano oo guursanaya kubbad sameeyaha Slovakia walaashii Michaela.

W.Q: Hanaa Maxamed Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here