Maxkamad xukun xabsi ah ku riday nin muuqaal uu ku baahinayay barta Tik Tok ku daray dhawaq rasaas.

1
4

Himilo – Maxkamadda danbiya Dubia, ayaa xukun xabsi ah oo gaaraya lix bil ku riday muwaadin u dhashay Bangladesh, kaas oo lagu helay danbi ah inuu dhawaq rasaas ku daray muuqaal uu ku baahiyay bartiisa Tik Tik-ga.

Ninka oo dalab-qaade maqaayadeed ah ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya Dh5,000  oo u dhiganta 1,361 doolar, markii uu xukunkiisa dhameystana waxaa loo masaafurin doonaa dalkiisa.

13-kii Janaayo ee sanadkan ayuu muuqaalka dhigay bartiisa Tik Tok-ga oo ay ku xiran yihiin  11,400  oo ruux, waxaana muuqaalkaasi daawatay in ka badan 2,000 oo saaxibadiis ah.

Waxa uu qirtay 24-jirkan inuu bartiisa ku baahiyay muuqaal uu ku daray dhawaq rasaas oo been abuur ah, waxaase u furan inuu racfaan ka qaato laba toddobaad gudaheed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here