Himilo – Milan ayaa dhammeystirtay la saxiixashada goolhayaha kooxda Lyon, Ciprian Tatarusanu kaasi oo kooxda sii joogi doona ilaa June 2023.
Kooxda Ligue 1 ee Lyon ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in labada koox isku af-garteen sidii loo dhammeyn lahaa xaaladda xiddigan.
34-jirkaan ayaa dib ugu soo laabanaya Serie A, isaga oo horey ugu qarash gareeyay muddo seddax sano ah kooxda Fiorentina intii u dhaxeysay 2014 iyo 2017, kahor inta uusan u hayaamin dalka France iyo naadiga Nantes.
Waxa uu beddel aan in badan la isticmaalin u noqon doonaa Gianluigi Donnarumma kaasi oo ah booska koowaad ee San Siro.
Milan si rasmi ah uma xaqiijin qiimaha, balse warbixinnada qaar ayaa sheegaya in Rossoneri ku bixisay €500,000 milyan oo Yuuro.