Himilo – Xarun loogu tala galay inay xalliso khilaafaadka Lammaaneyaasha is qaba ayaa laga furay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan.
Xarunta badbaadada qoyska oo ay aasaaaseen wiilal iyo gabdho reero leh kuwaas oo ay ku jiraan xubno ay qoysaskoodii is-maan dhaaf dhex maray uga burbureen.
Waxay hadda doonayaan inay ka hortaan kala tagga Lammaaneyaasha is qaba oo ay sheegeen inuu aad ugu soo badanayo magaalada.
Taniyo furiddii xaruntan waxaa ka faa’iideystay labaatan qoyska oo laga badbaadiyay inay is furaan sida ay sheegeen aasaasayaasha.
Hirgeliyaasha ayaa sheegay inuu furriinka lamaanaha ka billowdo waxyaabo sahlan oo haddii labada lammaane la tababaro laga baaqsan karo