Home / Aragtida Islamka / Muqdisho oo la keenay qalab carruurta ku caawinaya fahanka nolosha

Muqdisho oo la keenay qalab carruurta ku caawinaya fahanka nolosha

Barayaal wax ka dhiga jaamacadaha magaalada Muqdisho oo isku bahaystay inay horumariyaan waxbarashada carruurta ayaa bishii March ee 2022 keenay qalab ardayda dhigta xannaanooyinka iyo iskuulada hoose ka caawiya fahanka casharrada.

Agabkan oo leh qeyb kala duwan oo halxiraalayaal ah ayaa loogu tala galay inuu koriyo garaadka caruurta, xauusta iyo dareenkooda dhiifoonaanta. Wuxuu ardayda u sahlayaa inay bartaan go’aan qaaadashada, xalinta mushkiladaha iyaga oo da’doodu yar tahay.

Qaar ka mid ah iskuulada magaalada ayaa billaabay inay ardaydooda wax ku baraan qalabkan oo carruurta siisa awood feker oo u suura gelisa inay qalabka oo furfuran ka soo saaraan sawirro xoolaad, qaarado iyo waxyaabo kale.

Barayaasha carruurta bara sida gabalada qalabka loogu beego midba ka uu leeyahay ayaa sheegay inay muhiimad weyn ardayda u leedahay waxbarashada noocaan ah oo Iskuuulada Muqdisho aan horey uga jirin.

Barayaasha la yimid hal abuurkan ayaa sheegay inay qalabka dibadda ka keeneen isla markaana ay doonayaal inay ganacsatadu ku baraarugto oo ay keenaan qalab daboobi kara baahida ay u qabaan ardayda Soomaaliyeed.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan