Home / Macluumaad / Muslimiinta Maraykanka oo dhiig ugu deeqaya dhibanayaashii Las Vegas.

Muslimiinta Maraykanka oo dhiig ugu deeqaya dhibanayaashii Las Vegas.

Washington  – Dallada Muslimiinta xuquuqda rayidka Maraykanka ugu weyn ayaa isugu yeeray bulshada Muslimiinta inay isugu yimaadaan caawinta iyo dhiig ku deeqista dhibanayaasha Las Vegas oo gaaraya 500 oo dhaawacyo ah.
“Waxaan tiiraanyo iyo tacsiba la wadaagaynaa dhibanayaasha iyo bulshada kale ee Maraykanka,” ayay ku tiri warbixin ay soo xigatay aboutislam.net Nihad Awad, oo kamid ah National Executive Director of the Council on American-Islamic Relations (CAIR).
“Muslimiinta iyo dhaladka kale ee reer Maraykanka waa inay degdeg kaga fal-celiyaan musiibada kuna deeqaan dhiigooda,” ayay sii raacisay.
Dhacadadii shalay waxaa ku dhintay 59 qofood oo ku sugnaa goob bandhig faneed ay ka socotay.
In ka badan 500 ayaana ku dhaawacmay toogashada.
Dilaaga oo lagu sheegay Stephen Paddock, oo 64-jir ah, ayaa toogasho ku furay dad gaaraya 22,000 oo ku sugnaa Mabidala Bay ee Las Vegas.
Si kastaba, kooxda ISIS ayaa sheegatay mas’uuliyadda waxaase beeniyay dowladda Maraykanka. Muslimiinta Maraykanka ayaa canbaareyn dusha ugu tuuray kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan