Himilo – Muuqaal laga baahiyay Swiss FA, ayuu Xherdan Shaqiri ku sheegay in waayihiisa Liverpool yahay mid wanaagsan isla markaana uu ku faraxsan yahay kooxda Merseyside.
Laacibka qaranka Swiss ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Jurgen Klopp, balse uusan aheyn dookha koowaad ee kusoo bilaabashada Liverpool.
Liverpool ayaa heysata ciyaartooy badan oo weerarka ah sida Mohamed Salah, Sadio Mane, iyo Roberto Firmino, kuwaasi oo ay adag tahay in laga ciriirrsado booska joogtada ee naadiga.
Xherdan Shaqiri: “Warbaahintu waxay qortaa wax badan, laakiin dhammaadka waxaan ahay Liverpool. Waxaan heystaa wakhti oo aan kooxda ku joogayo, xaqiiqdii waxaan dareemayaa wanaag waxaana go’aansaday in aan iska sii joogo Liverpool.”
Xherdan Shaqiri ayaa inta badan ciyaara doorka Liverpool ee koobabka EFL Cup iyo FA Cup.