Home / Cayaaro / Neymar oo heshiis kordhin u sameeyay Paris Saint-Germain

Neymar oo heshiis kordhin u sameeyay Paris Saint-Germain

Himilo – Paris Saint-Germain ayaa ku dhawaaqday in Neymar uu kooxda u saxiixay heshiis cusub uu naadiga uu kusii jaagayo ilaa June 2025, taasina waxay meesha ka saareysaa xanta ku aadaneyd in kooxda uu ka tegayo.

Xiddiga qaranka Brazil ayuu heshiiskiisii hore ku ekaa bishii June ee soo aadan waxaana la hadal hayay in uu dib uu ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona.

Si kastaba 29 sano jirkaan ayaa hadda si rasmi ah qallinka ugu duugay heshiis uu naadiga kusii joogayo ilaa 2025.

“Paris Saint-Germain waxay ku faraxsan tahay ku dhawaaqidda in Neymar da Silva Santos Junior uu saxiixay heshiis uu PSG kusii joogayo 30 June 2025,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay boggaa rasmiga ee kooxda PSG.

Neymar ayaa dhaliyay 85 gool halka uu caawiyay 51 gool kaddib markii uu saftay 112 kulan tan iyo markii uu yimid PSG xagaagii 2017

About Ahmed Haaddi

2 comments

  1. 2 protein expression in TFEB tTA compared to WT after 2 weeks Fig can women take propecia

  2. Plus, the savings you get by no longer needing glasses or contacts can pay for the cost of the procedure cialis without a prescription

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan