Nin lagu qabtay isaga oo shinbiro ku hoos sita surwaalkiisa
Posted by: radio himilo
January 15, 2017
Ho Chin Me, Vietnam – Nin ayaa loo xiray fal-danbiyeed ah inuu surwaalkiisa kusoo hoos qariyay tiro shibiro ah oo nool isaga oo isku dayaya inuu u qaado dalka kale, sida laga soo xigtay booliska dalka Fitnam.
Saraakiisha kastamka eek u sugan gegida caalamiga ah ee magaalada Ho Chi Minh ee dalka Fitnam ayaa xiray ninkan rakaabka ah oo aan heybtiisa la sheegin kadib markii lagu qabtay 18-shinbirood oo nool oo uu ku hoos siday surwaalkiisa.
Ku sidashada tiro shinbiro ah surwaalkiisa dhexdiisa, waxaa usii dheer inuu boorsadiisana kusiday shirbiro kale. Ninku wuxuu u waday dalka Taiwan.
Machadka baayoolojiga ee Tropical ayaa xaqiijiyay in 11 kamid ah shinbirahan ay yihiin kuwo aadka loo ilaaliyo.
Ninkan ayaa maareeyey inuu ku haayo shinbirahan isaga oo ku dhex xirxiray lugihiisa kadibna surwaalkiisa kusii gishtay.
Isha: Radiohimilo.so
2017-01-15