Home / Arrimaha Bulshada / Noocyada moos ee ka baxa dalkeena waa kuwee?

Noocyada moos ee ka baxa dalkeena waa kuwee?

Waa nooc ka mid ah khudaarta kasoo go’da dhul-beereedyada adduunka, gobol weliba oo caalamka ah ayaa aad looga isticmaalaa. Waxaa loo adeegsadaa habab kala duwan, bulshooyinka qaar ayaa ku iidaanta raashinka, halkan in kale ay ka dhigtaan cunto, sabab la xiriirta nafaqooyin kala duwan ee laga helo kuwaasi oo muhiim u ah jirka aadanaha.

In ka badan kun jaad oo kala duwan ayuu leeyahay mooska, waxaase ugu caansan midka la yiraahdo Cavendish, noocan wax soo saarka guud ee mooska dunida oo lagu qaddaro sanadkii in ka badan 120 milyan oo ton, waxa uu ka yahay 47%, sida ay tilmaamtay hay’adda cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FOA.

Africa iyo Asia waa qaaradaha ugu horreeya xagga wax soo saarka mooska waana tan keenta in bulshooyinkooda ay aad u cunaan.

Cunista mooska waa mid ka mid ah dabeecadaha Soomaalida looga sooco dadyowga kale ee kula nool adduunka, laba ka mid ah seddax xilli oo ay cunteyso maalintii ayaa la raaciyaa hadba cuntada lagu qadeynayo amaba lagu casheeynayo.

Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka caalamka ee laga soo saaro mooska. Inkasto oo xilliyadan danbe uusan xooganeyn wax saarkii haddana dalka waxa uu lahaa wax soo saar xooan oo xagga mooska, kaasi oo loo dhoofiyo dhowr dal oo dunida ah.

Sida ay muujineyso xogta hay’adda Our World In Data, sanadkii 1972-kii, waxa uu gaaray halkii ugu sareeysay oo waxaa la soo saaray 188,500 oo tan oo moos ah. Wixii waqtigaasi ka danbeeyay waxaa ku socday hoos u dhac illaa laga soo gaaro 1988-kii markaasi oo uu mar kale garaafku kor u kacay.

Nasiib darro se waxaa duntay dowladdii dhexe, balse wax soo saarku ma joogsan, beeraley ka dabbarta nolol maalmeedka reerahooda ayaa weli ku howlan kuwaasi Sanadkii 2020-kii sameeyay wax soo saar ka badan 23-kun oo ton oo moos ah.

Waxaa shanti sano ee ugu danbeeyay, dalka ka hanaqaaday shirkado ka ganacsada wax soo saarka, kuwaasi oo leh macaahid dadka lagu baro abuurista mooska. Waxaa ka mid ah machadka Somali Banana technical institute.

Mid ka mid ah shaqooyinka uu qabto waa tababaridda ardyda barata culuumta beeraha, beeraleyda ku howlan wax soo saarka mooska iyo ganacsatada daneysa maalgalintiisa.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan