Ogow tallaabooyinka fudud ee aad ku xakameyn karto carrada

Himilo – Carrada ayaa lagu tiriyaa dareenada dabiiciga ah laakiin inbadan ayay ku adag tahay inay xakameeyaan carradooda taasi oo ku riixaysa dhibaatooyin kale.

Khubarada ku taqasustay culuumta nafsiga ayaa tilmaamaya in qofka uu xakameyn karo carradiisa isaga oo raacaya tallaabooyin qeexan.

Sababaha qofka ku riixaya dareenka carrada oo la oggaado waxay qeyb weyn ka noqon kartaa xalka badbaadin kara dhibanaha.

Khubarada nafsiga ayaa soo jeedinaya in marka qofka uu dareemo carro in uu billaabo tirinta 1-10 isaga oo qaadanaya neef deggan.

Waxaa kale oo jira habab kale oo qofka uu ku xaddeyn karo dareenkiisa carrada leh sida cayaaraha socodka iyo dabaasha.

Hurdo wanaagsan, qoraalka iyo farshaxanka la sameeyo ayaa qeyb ka noqon kara wadiiqooyinka qofka uu kula dagaalami karo carrada.

Midda ugu muhiimsan ee khubarada ka dhawaajiyeen ayaa ah in qofka uu kala hadlo qof saaxiib la ah sababaha ka xanaajinaya, tani waa hab asal ah oo waxtar leh.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan