Home / Cayaaro / Ole Gunnar Solskjaer ayaa farriimo taageero ah ka helay ciyaartoyda Manchester United

Ole Gunnar Solskjaer ayaa farriimo taageero ah ka helay ciyaartoyda Manchester United

Himilo – Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo warramayaa in uu kooxdiisa ka helay fariimo qoraal ah oo ay ku muujinayaan taageeradooda kadib guuldaradii 5-ta gool ahayd ee ay kala kulmeen Liverpool todobaadkii hore.

Booska Solskjaer ee hoggaanka ayaa su’aal la geliyay ka dib guuldaradii 5-0 ee Liverpool ka soo gaartay Old Trafford, laakiin Norweygan-ka ayaa hoggaamin doona kooxda kulanka maanta ee Tottenham Hotspur.

Sida laga soo xigtay ESPN, iyada oo ay jirto hubaal la’aanta ku xeeran mustaqbalkiisa, tababaraha United waxa uu helay farriimo taageero ah oo kaga imaanayay kooxdiisa.

Warbixinta ayaa sheegeysa in ciyaartoyda Man United ay sidoo kale la xiriireen gudoomiye ku xigeenka fulinta kooxda Ed Woodward si ay u taageeraan Solskjaer, iyadoo ciyaartoydu ay raadinayaan caddeyn ku saabsan booska tababaraha.

48-sano jirkaan ayaa weli la rumeysan yahay inuu taageero weyn ku leeyahay qolka lebiska kooxda inkastoo qaab ciyaareedkiisa liitay, taasoo keentay in kooxda 20-ka jeer heysata horyaalka Ingariiska laga badiyay saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka.

Man United ayaa haatan wajaheysa saddex kulan oo waa weyn oo isku xigta oo ay ku wajahayaan Tottenham, Atalanta BC iyo Manchester City ka hor fasaxa caalamiga ah ee bisha November.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan