Home / Cayaaro / Ousmane Dembele oo iska diiday u dhaqaaqitaanka Manchester United

Ousmane Dembele oo iska diiday u dhaqaaqitaanka Manchester United

Himilo – Weeraryahanka xulka qaranka France hadda uma baahna u dhaqaaqitaanka kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford ee Manchester United.

Ousmane Dembele ayaan xiiseeneynin ka tegitaanka Barcelona xilli uu xiiso ugu imaanayo kooxda Premier league ka dhisan ee Manchester United, sida ay sheegtay Sky Deutschland.

Laacibkan ka ciyaara garabka ayaa go’aansaday in uu sii joogo garoonka Camp Nou isla markaana uu halkaasi ku horumariyo xirfaddiisa ciyaaraha inkasta oo uu barbaarkan wajahayo xaalad adag oo dhaawacyo ah.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan