Himilo – Seynisyahanada dunida waxey wadaan dedaal ku aadan sidii tallaal loogu heli lahaa feyruska Karona, kaas oo ay qaadeen 43-milyan oo ruux.
Mid ka mid dadaaladaasi waxaa wada jaamacadda Oxford ee laga leeyahay Ingiriiska, cilmibaaraha hormuudka u ah dedaalkaasi, ayaa sheegay in tallaalka covid-19 uu diyaar noqon doono bisha ina soo aadan ee December.
Professor Adrian Hill, ayaa ku andacoonaya in ay tahay in tallalku ogolaansho helo ka hor 25-ka December, si ay u isticmaalaan hawl-wadeenada caafimaadka.
Sida uu daabacay daily mail, Hill, ayaa u sheegay xubnaha machadka Magdalene ee jaamacadda oxford, in ogolaanshiyaha hore uu noqon doono oo kaliya mid loo adeegsanaya dad u nugul feyruska, balse aysan ahayn tu si buuxda loogu isticmaali doono dadka oo dhan.
Tallaalka Oxford oo hadda maraya wijigiisii seddaxaad, ayaa lagu tijaabiyay in ka badan 20-kun oo ruux oo ku kala sugan dalalka UK, Brazil, Koofur Africa iyo Japan.
ketamine and dexmedetomidine both increase sedation generic 5mg cialis best price