Home / Cayaaro / Paris Saint-Germain oo u dhaqaaqday daafac ka tirsan Barcelona
Laacibka la rabo

Paris Saint-Germain oo u dhaqaaqday daafac ka tirsan Barcelona

Himilo – Paris Saint-Germain ayaa lagu warramayaa in ay u dhaqaaqayso laacibka kooxda Barcelona daafaca ugu ciyaara ee  Emerson.

22 sano jirkaan ayaa si amaah ugu ciyaaraya naadiga Real Betis, isaga oo halkaasi saameyn wanaagsan ku yeeshay waxa uu dhaliyay hal gool halka uu caawiyay gool kale dhammaan tartamada fasal ciyaareedkan.

Emerson ayaa yimid Barcelona isaga oo ka imaaday naadiga Atletico Mineiro sannadkii 2019, balse ilaa iyo hadda ma uusan kasoo muuqan hal kulan oo uu u dheelayo Blaugrana.

Sida ay werineyso Sport, agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo ayaa la xiriiray xiddiga waxayna rajaynayaan in ay kusoo iibsadaan qiimo dhan €25milyan oo Yuuro.

About Sadia Nour

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan