Home / Cayaaro / PSG oo bixineysa £75-milyan si ay u hesho Kalidou Koulibaly

PSG oo bixineysa £75-milyan si ay u hesho Kalidou Koulibaly

Himilo – Daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa hadda waxaa doodoonaya kooxaha PSG iyo Manchester City, iyadoo mid waliba dooneysa inuu kusoo biiro laacibkan Africanka ah.

The Telegraph, ayaa qoreysa in PSG ay dooneyso in Koulibaly ay ku xoojiso daafaceeda, maadaama uu ka tagayo Thiago Silva.

Macalinka kooxda PSG Thomas Tuchel, ayaa diyaar u ah inuu bixiyo 75-milyan oo Ganni, si uu ula soo wareego Kalidou Koulibaly.

Macalinka Napoli ee Gennaro Gattuso, ayaa dhawaan qiray in xiddigga la fasaxi karo haddii lagu helo dhaqaale macquul ah.

Wahadaladii City ay la lahayd xiddigan xulka qaranka Senegal, ayaa hadda u muuqda in la isku afgaran waayay, sida uu wariyay Sports Mole.

Waxey kooxda hadda qorshaheeda u weecisay dhanka xiddigga u ciyaara Sevilla ee Jules Kounde.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan