Home / Aragtida Islamka / Qaramada Midoobey oo qaraar ku mamnuucay gubidda Qur’aanka

Qaramada Midoobey oo qaraar ku mamnuucay gubidda Qur’aanka

Golaha Qaramada Midoobey ayaa meel mariyay qaraar ka dhan ah gubidda Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo ku soo badanaya Waddamada Reer Galbeedka.

Mooshinkan ayaa la meelmariyay Arbacadii , balse waxaa kasoo horjeestay Mareykanka iyo Midowga Yurub oo sheegay inuu kasoo horjeedo mowqifkooda ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda hadalka.

Soomaaliya iyo dalalka kale ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa dood degdeg ah kala yeeshay hay’adda xuquuqul-insaanka ee Qaramada Midoobay dhacdadii bishii hore ka dhacday bannaanka hore ee Masjidka weyn ee Stockholm taas oo galooti ciraaqi ah ugu xadgudbay qur’aanka kariimka ah maalintii koowaad ee Ciidda Carafo.

Qaraarka ayaa ugu baaqay dalalka inay qaadaan tillaabooyin ay kaga hortagayaan oo ay dacwad ku oogayaan dadka sameeya falalka nacaybka diimeedka ee ka dhigan hurin kicinta takoorka, cadaawadda ama rabshadaha.

Sweden ayaa cambaareysay gubista qur’aanka kariimka ah, balse waxay ku adkaysanaysaa in dalku leeyahay xuquuq uu dastuurku ilaalinayo oo ah xoriyadda isu imaatinka, hadalka iyo mudaaharaadka.

Mooshinka ayaa si lamid ah waxa uu soo jeedinayaa in dalalku ay dib u eegaan sharciyadooda oo ay daboolaan daldaloolada laga yaabo in ay “carqaladeynayaan kahortagga iyo dacwad ku oogida falalka iyo u doodista nacaybka diimeed”.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan