Home / Habka-Nolosha / Real Madrid Oo dooneysa Donnarumma

Real Madrid Oo dooneysa Donnarumma

Sida ay tilmaameyso majaladda SPORT ee gobolka Catalonia kooxda Real Madrid ayaa isha ku heysa iney lasoo saxixiato goolhayaha da’da yar ee kooxda Milan Gianluigi Donnarumma.

17-jirkaan heerka caalami ayaa ku guuleystay inuu noqdo goolhayaha koowaad ee kooxda Milan isagoo aad u da’yar sidoo kalana wuxuu noqday ciyaariyahankii ugu da’da yaraa ee xulka Azzurri garoon u gala tan iyo sanadkii 1911-kii markii uu kaulankiisii ugu horeeyay isbuucii lasoo dhaafay ka hortagay France.

Wargeyskaan laga leeyahay Spain ayaa aaminsan in madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uu taageero weyn u yahay goolhayahaan da’da yar ee ay magaca wadaagaan halyeyga Italy iyo Juventus  [Gianluigi] Buffon’.

Dhanka kalana Zidnedine Zidane ayaa doonaya inuu dooqa labaad ee kooxda Real Madrid dhanka goolka ka dhigo wiilkiisa 18-jirka ah ee Luca Zidane, halka Perez uu isha ku haayo inuu Donnarummaa keeno caasimadda Spain.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan