Home / Habka-Nolosha / Real Madrid oo u awood sheegatay dhigeeda Getafe

Real Madrid oo u awood sheegatay dhigeeda Getafe

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa booqatay gegada Coliseum Alfonso Perez oo ay kula dheeshay dhigeeda Getafe.

Goolal ka kala yimid Karim Benzema iyo Isco ayaa ka dhigay Los Blancos inay cayaarta 2-0 ku hogaamiso.

Gareth Bale ayaa qeybtii labaad daqiiqaddii 5aad goolka saddexaad u dhaliyay kooxda Real Madrid.

Daqiiqaddii 84aad Pablo Sarabia ayaa goolka calanka u dhaliyay kooxda martida loo ahaa inta aanu afar daqiiqo kaddib gool kale uusan ugu shubin James Rodriguez.

Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqaddii 90aad cayaarta soo afjaray, markii uu ku soo geba gabeeyay in Real Madrid ay 5-1 ku dhufato kooxda Getafe.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan