Home / Cayaaro / Roma oo hoggaamiye cusub u magacabeysa Maurizio Sarri

Roma oo hoggaamiye cusub u magacabeysa Maurizio Sarri

Himilo – Roma ayaa lagu soo waramayaa inay si aad ah u xiiseyneyso in ay tababare u magacowdo  Maurizio Sarri.

Tababaraha haatan kooxda reer Talyaani ee Paulo Fonseca ayaa cadaadis badan la kulmay dhawaanahan, iyadoo Roma ay 11 dhibcood ka hooseyso booska looga soo baxo Champions League kaddib guuldaradii ka soo gaartay Torino, Cagliari iyo Parma.

Corriere dello Sport ayaa ku warrameysa in Roma ay isku diyaarineyso inay u magacaawdo Sarri macalinkooda cusub haddii ay ceyriyaan Fonseca, iyadoo 62-sanno jirka wakiilada ay qorsheynayaan inay u safraan Talyaaniga si ay ula hadlaan agaasimaha kubadda cagta Roma ee Tiago Pinto.

Sarri wuxuu soo maamulay kooxo badan oo Talyaani ah, oo ay ku jiraan Napoli iyo Juventus, isagoo kula guuleystay Juventus horyaalkii Serie A-da 2019-20.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan