Home / Cayaaro / Rugani: ‘Waan ka xumahay sida ay wax noqdeen’

Rugani: ‘Waan ka xumahay sida ay wax noqdeen’

Himilo – Daniele Rugani ayaa ku laabtay Serie A-da isaga oo ka mid noqday Cagliari, laakiin amaahda Juventus ayaa sheegay inuu ‘dareemayo xumaan sida ay wax u noqdeen’waayihiisii Stade Rennais.

26 jirkaan ayaa amaah mushaar ah ugu dhaqaaqay Rennes xagaagii la soo dhaafay wuxuuna u ciyaaray kaliya hal kulan Ligue 1, isagoo seegay 16 kulan sababo la xiriira dhaawac bowdada ah.

Ciyaaryahankii hore ee Talyaaniga ayaa ku soo laabtay Italy bishaan wuxuuna heshiis la mid ah kan Rossoblu kula saxiixday Sardinia.

“Runtii waan ka xumahay sida ay wax noqdeen,” ayuu Rugani ku yiri bartiisa Instagram. “Dhaawac ayaa iga tuuray safka hore, laakiin waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo kooxda iyo asxaabteyda.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan