Himilo – Uwe Brutzer, milkiilaha foorno lagu dubo rootiga oo ku taalla bartamaha Shiinaha, ayaa shaqo abuur u sameeya dadka naafada ka ah maqalka, go’aankaas oo ay adag tahay in dadka badankii ku dhiiradaan.
Samafale brutzer, ayaa isaga iyo xaaskiisa waxey tageen Shiinaha sanadkii 2002-dii, markaas oo ay wateen hay’ad caawisa caruurta dhagaha la’.
Sagaal sanno kadib, 2011-kii ayuu go’aansaday inuu furto foorno soo saarta rootiga, waxaana illaa iyo waqtigaasi uu tababaray shaqana u abuuray ku dhawaad 20 ruux oo naafa ka ah maqalka.
Qaarkood ayaa u shaqa tagay foornooyin kale, maqaayado iyo hoteelo. Waxey adeegsadaan luuqadda tilmaamta si ay ugu adeegaan macaamiisha ku xiran.
Wan Ting, oo ah 28-jir maqalka naafa ka ah, ayaa yiri isaga oo adeegsanaya luuqadda tilmaamta “Aad ayey u adag tahay inaad shaqo heshid adiga oo aan helin ruux ku caawiya”.
Qiyaastii 20 illaa 30-milyan oo ruux oo naafa ka ah maqalka ayaa ku nool Shiinaha.