Home / Macluumaad / Sawir sabab u noqday dhimashada Dhallaan

Sawir sabab u noqday dhimashada Dhallaan

Himilo – Wiil laba sanno iyo bar jir ah ayey baddu la tagtay wadanka Hindiya, xilli hooyadii ay ku mashquulsaneyd galidda sawir Salfie ah.

Boliiska ayaa sheegay in haweeyneydan iyo caruurteeda ay ku sugnaayeen xeebta magaalada Alappuzha. Mar ay isku dayday inay sawir gashana ay mowjado xoogan oo hir ah ku dhufteen xeebta, kuwaas oo la tagay wiilka yar.

Kooxo gurmad ah ayaa wali baadi goobaya Adhikrishna, iyada oo gudigga daryeelka Caruurta degmada Alappuzha ee koofurta India-na ay wadaan dacwad ka dhan ah hooyada.

Dhacdadan ayaa hadal hayn ka dhex abuurtay bulshada Hindiya, iyadoo dadka qaar ay dayacaad ku eedeeynayaan hooyada dhashay wiilka baddu qaaday.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan